Dil ka dhacay Bosaaso

Magaalada Bosaaso goor sii horayasay waxaa lagu dilay mid kamid aha haweenka canshuurta u uruuriya dowladda hoose ee degmada Bosaaso .

 

Kooxo Baastoolado ku hubaysan ayaa bartamaha suuqa ku toogtay gabadhan ,iyagoona durbadiiba goobta isga baxsaday .

Sidookale xalay maqribki kooxo Baastoolado ku hubaysan ayaa gurigeeda ku weeraray haweenay kamid ah dadka wax tahriibiya ,waxaana weerarkaasi ka soo gaaray dhaawac culus.

 

Dilkan ayaa  ku soo beegmaya xili xalay Baraxada weyne ee magaalada Bosaaso lagu dilay Askar ka tirsan ciidamada Daraawiishta ee dowladda Puntland kuwooda ka howlgala Buuralayda Galgala ee gobolka bari .

Dowladda hoose ee degmada Bosaaso ayaa waxaa canshuurta markii hore uqaadi jiray rag ku labisan dirayska ciidamada Booliska ,kuwaas oo markii dilalkooda uu batay lagu badalay haween canshuurta uruuriya.

Amaanka magaalada Bosaaso ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya ,waxayna dilalkan ay dhacayaan iyadoo ay socdaan howlgalo amniga lagu xaqiijinayo .

 

 

<