Daawo Siyaasi Cali Ciise : – Waxaan aaminsan ahay Maamulka Garoowe ayaa xasuuqay shacbiga Reer Khaatumo iyo Reer Taleexba( Tolow maxaa iska bedelay Diktoorka Musharaxa ah )

Qore: Xildhibaan Said Abdi Samatar( Surcad).

Maadaama hadal heynta shacabka reer Puntland ay aad ugu badatay Dr Ali Isse oo la sheegay inuu yahay dhaqaale yahan Soomaaliyeed oo kasoo jeedo Puntland gaar ahaan Gobolka Sool lagana yaabo inuu isu sharaxo xilka ugu sareeya ee Puntland, iyada oo la og yahay in inta badan Siyaasiyiinta Gobolkaas kasoo jeeda ay isu sharaxaan xilka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, inkastoo aysan jirin sharci u diidaya marka laga reebo xeerka Qarsoon ( Gentle agreement) hadana waxay abuurtay Xiiso iyo hadal heyn gooni ah.

Waxyaabaha kale oo xiisaha u yeelay Safarka Dr Ali Isse ee Puntland ayaa ah asaga oo la tuhunsan yahay inay dabada ka riixayso Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa iyaduna xusid mudan kana mid ah waxyaabaha dhaliyey hadal heynta badan ee shacabka inuu dadka la socda ka mid yahay nin asaguna doonaya inuu isu sharaxo Madaxweyne ku-xigeen kana soo jeeda qabaa’ilka had iyo jeer ku hardama Xilka Madaxweynaha.

Hadaba waxaan baaritaan ku sameeyey Dr Ali Isse Abdi, si gaara waxa uu Puntland ka aaminsan yahay, waxaan daawaday codad dhowr ah oo mar hore laga duubay, waxaana ii soo baxday inaysan Puntland qiimo weyn ugu fadhin, ee uu u yaqaanay kaliya Maamulka Garoowe.

Waxaa kale oo ii soo baxday inuu ka mid ahaa Aas-aasayaashii Khaatumo oo markaas ahaa kacdoon siyaasadeed oo lagu xagal-daacinayey Puntland, isaga oo ka tirsanaa Xubnihii G8 la magac baxay ee lahaa Aragtida Aas-aaskii khaatumo state.

Waxaa jirey wakhtigaas Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland oo qeybka ahaa abaabulka khaatumo oo markii danbe laga saaray Golaha wakiilada iyaga oo lagu eedeeyey khiyaamo qaran.

Inkastoo Ururkii Khaatumo uusan sii jirin, hadana siyaasiyiintii hor boodaysay waxay u qeybsameen Qaar Hargaysa iska dhiibay iyo Qaar cafis waydiistay Deegaankoodii Puntland dibna uga mid noqday Goleyaasha Dowladda.

Dr Ali Isse kama mid aheyn siyaasiyiintii Hargaysa galay kamana mid aheyn kuwii kale ee dib ugu soo laabtay Deegaankoodii Puntland, wuxuuna dib ugu laabtay dibadihii uu markii hore ka yimi.

Fadlan Daawo videoga ku lifaaqan qoraalkan.