(Dhegayso) Gudoomiyaha Gobolka Bari “Pharmaceyada Bosaaso intay ku duraan Ayay Irbadii ku tuurayaan goobta dhex deeda ”

Tan iyo markii ay bur burtay dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya 1991kii , wax yaabihii meesha ka baxay waxaa kamid ahaa adeegyadii danta guud ahaa sida  goobihii Caafimaadka oo ay dowladdu sida gaarka ah ay ulahayd  iyo Hay,adii kaan tarooli jirtay tayada daawooyinka dalka soo gala.

 

Wixii xiligaasi ka dambeeyay ganacsatada Soomalaiyeed ayaa dalka ka bilaabeen in ay ka hirgaliyaan goobo caafimaad oo si gaar ah loo leeyahay ,maadaama ay yar yihiin Isbitaalada dowladda ay gacanta ku hayso.

 

Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado ayaa sheegay in Pharmaceyada magaalada Bosaaso marka ay daka duraan irbadaha lagu duro dadka ay ku tuuraan goobta dhaxdeeda, taas oo keentay caafimaad daro .

waxa uu fariin uu udiray mas,uuliyiin goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay gacanta ku haysa .

Hadalkan ayuu gudoomiyaha waxa uu ka jeediyay munaasibad xariga looga jarayay xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee magaalada Bosaaso .

Dhegayso.

<