(Dhegayso) Duqa degmada Bosaaso C/salaan Bashiir “Anagu waxaa keenaynaa dhulkii laga hirgalin lahaa danta guud shacabkuna hala yimaadeen Qorshihii lagu dhisi lahaa ”

Duqa degmada  Bosaaso C/salaan Bashiir C/salaan ayaa dad weynaha ku dhaqan magaalada Bosaaso waxa uu ka codsaday in ay dowladda kala shaqeeyaan  dhismaha iyo hirgalinta goobaha danta guud ah ee shacabka loogu adeegayo .

C/salaan Bashiir C/salaan ayaa sheegay in  maamu ahaan ay ka go,antahay in ay keenaan dhulkii iyo goobihii laga dhisi lahaa danta guud ,balse shacabku ay la yimaadaan qorshihii iyo dhaqaalihii lagu dhisi lahaa .

 

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayuu  C/salaan Bashiir  waxa uu ku bogaadiyay dadaalka iyo dhiiri galinta uu ku siiyo markasta sidii bulshada loogu adeegi lahaa.

Hadalkan ayuu gudoomiyaha ka sheegay xili uu xariga ka jarayay xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee magaalada Bosaaso.

Dhegayso.

<