
Inta laxaqiijiyay ilaa iyo 10 qof oo kamid ah beelihii ku dagaalamay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud ayaa ku dhintay , waxaana dhaawaca lagu sheegay ilaa iyo 6 qof sida ay Puntlandi.com u sheegeen dadka deegaanka
Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhashay dhul daaqsimeed labada beelood ay isku haystaan , waxaana shalay lageeyay goobihii uu dagaalka ka dhacay ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya .
Majirto ilaa iyo hada odayaal iyo xubno ka tirsan dowladda oo ku baxday dagaalkan, marka laga reebo cidamada loo diray .
Hadab waxaa baaq Nabadeed u diray beelahan odayaasha degmada Caabudwaaq .
Dhegayso.