BREAKING:NEWS:-Weerar ka dhacay Bosaaso iyo dhimashada laba qof oo la soo sheegayo

Kooxo hubaysan ayaa soo weerartay Askar ku labisnayd dirayska ciidamada oo ku sugnaa barxada weyn ee ka soo hor jeedka shirkada isgaarsiinta ee Golis .

Ragan la soo weeraray ayaa ku sugnaa Buush  lagu qayilo oo ku yaalay barxada Golis  , waxaana weerarkan ku dhintay labo kamid ah ragii fadhiyay Maqaayada ,halka labo kalena ay ku dhaawacmeen .

Nin kamid ah labada qof ee dhintay ayaa  waxaa lagu naa neesi jiray Salo.

 

Dhaawaca iyo meedadka ragan ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Banadar Qaasim ee magaalada Bosaaso .

 

Kooxdi weerarka soo qaaday aya goobta isga baxsaday , waxaana goobta isku gadaamay ciidamada Booliska ee gobolka bari oo howlgal lagu baadi goobayo ragii weerarka soo qaaday ka wada .

 

Amaanka magaalada Bosaaso ayaa maalmihii udambeeyay soo hagaagayay ,iyadoo bilihii udambeeyay ee sanadkan ay ka dhacayeen dilal qorshaysnaa  oo loo gaysanayay ganacsatada iyo xubnaha ka tirsan dowladda .

Majirto cid sheegatay mas,uuliyada  weerarkan , balse qaybo kamid ah gobolka bari  ee  Puntland waxaa ka dagaalama kooxaha Argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish.

 

<