(SAWIRRO) Cali Cabdi Awaare.” Puntland waa uga dhamaatay barbartooye dambe inuu maamulo

Garowe (Puntlandi) Musharaxa madaxweynaha dowladda Puntland Cali Cabdi Awaare, ayaa maanta magaalada Garowe ku qabtay kulan uu kusoo bandhigayay barnaamijkiisa siyaasadeed haddii uu ku guulaysto xilka madaxtinimada Puntland ee doorashada 2019.

Kulankaan waxaa kasoo qeyb galay bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay ka dhex muuqdeen Isimada dhaqanka Puntland iyo siyaasiyiin xilalka kala duwan kasoo qabtay dowladda Puntland sida madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowladda Puntland, Eng. Cabdi Samad Cali Shire.

Musharax Awaare ayaa sheegay Puntland inay u baahan tahay qof hagi kara oo aqoon uleh kanasoo bixi kara masuuliyada saddex milyan oo reer Puntland ah. kuwaas oo u hamuun qaba adeeg dowladnimo oo dhab ah.

Musharaxu waxaa uu sheegay inuu xooga saaridoono horumarinta adeegyada aas aasiga ah sida, amniga, waxbarashada, caafimaadka, wadooyinka iyo kaabayaasha horumarinta dhaqaalaha Puntland. “Puntland aayaheedu mar danbe kama talindoono nin dambe oo baratooye ah oo dadka iyo deeganada uu maamulayo aan kala aqoonin,”  ayuu yidhi musharax Awaare.

Musharaxa ayaa si aad ah u dhaliilay siyaasada madaxweyne Gaas ku maamulayay Puntland shantii sano ee lasoo dhaafay, isagoo sheegay inuu madaxweynuhu ku fashilmay hogaamintii Puntland islamarkaana dadka reer Puntlandna aysan mar dambe diyaar u ahayn inay masiirkooda ku aaminaan cid aan horey loosoo tijaabin.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal, Cumar Faraweyne, ayaa Cali Cabdi Awaare ku ammaanay inuu yahay hogaamiye aan lahayn sumad qabiil islamarkaana kamid ah aas aasayaashii dhidibada u taagay Puntland. Cumar Farawayne waxaa kale oo musharaxa Awaare ku sifeeyay nin nabaddoon ah oo leh aragti hogaamineed oo fog.

Isimadii goobta ka hadlay ayaa dhankooda muujiyay in Cali Cabdi Awaare yahay shakhsi leh sifo hogaamineed, waxayna ugu duceeyeen hadduu kheyr ugu jiro inuu ilaaheey ku guuleeyo.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland, Gen, Cabdi samad Cali Shire, oo kamid ahaa marti sharaftii kasoo qeyb galay bandhiga musharaxa ayaa qiray Puntland inay maanta u baahan tahay garwadeen daacad ah oo horay loo soo tijaabiyay, isagoo tilmaamay Cali Cabdi Awaare inuu leeyahay sifahaas oo idil. Gen, Cabdi Samad waxa uu sheegay si isbedel loo helo in loo baahan yahay xildhibaano garan kara hogaamiyaha saxda ah.

Siyaasi Awaare, ayaa markii saddexaad u tartamaya xlka madaxweynaha Puntland, isagoo ku guul daraystay labadii doorasho ee ugu dambeysay, laakiin waa musharax aan weli quusan.

DAAWO SAWIRRADA IYO MUUQAALKA.

Puntlandi.com

<