(Dhegayso +Sawirro) Madaxweyne Gaas ” Waan hubaa in’sha Allaah waan gulaysanayaa, waan soo laaban doonaa

Madaxweynaha dowladda Puntland C/Wali Cali Gaas ahna Musharaxa Madaxweyne Puntland 2019 ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Putland .

Madaxweynaha ayaa safar qaatay mudo sadax maalmood ah waxa uu ugu maqnaa magaalada Nayroobi ee caasimada dalka Kenya ,halkaas oo loogu sameeyay kulan lagu soo dhaweynayay Musharaxnimadiisa .

 

C/Wali Gaas ayaa markii uu  ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Siyaasiyiin, Isimo, iyo dadweyne farabadan.

 

Waxa uu ka mahad celiyay sidii diiranayd ee loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ,isagoona sheegay in uu hubo in markale uu soo laaban doono .

Halkan ka dhegayso.

 

Sawiro.

<