
Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo ayaa sheegay in degmo kamid ah degmooyinka gobolka bari oo uu kormeer kutagay uu kula soo kulmay gudoomiye kuxigeenkii degmo oo lacago laaluush aah ka qaadanay haweenka daryeelka caafimaad u soo raadsada goobaha Caafimaadka ee degmadaasi .
Waxa uu sheegay gudoomiye Dhado in uu ninkaasi ka qaadan jiray haweenka xaamilada ah lacag dhan 25 doolar qofkiiba .
Waxa uu sheegay in uu amar ku bixiyay in isaga naftirskiisa kaadida laga qaado si loo ogaado in uu uur leeyahay , maadaama uu laaluush ka qaatay haweenkii ku umulayay Isbitaalkaasi .
Hadalkan ayuu gudoomiye Dhado waxa uu ka sheegay Xarunata Hooyada iyo Dhalaanka oo maanta magaalada Bosaaso lagu daah furay.
Dhegayso.