Deegaanada Tuli-Guuleed iyo Mooyaale oo Abaaro ku dhufteen iyo eedeymo losoo jeediyey Maamulka Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Deegaanada Tuli-Guuleed iyo Mooyaaale oo dhowaan ay ka dheci jireen colaadii u dhexaysay Soomaalida iyo Oramada ayaa lagusoo waramayaa iney ka jiraan Abaaro xoogan iyadoo Deegaanadaani ay ka midka yihiin Deegaanada ugu wax soo saarka badnaa dhulka Soomaalida Itoobiya.

Dowlada Soomaalida ee Itoobiya ayaa u muuqata mid aan ilaa hada waxba ka qaban Abaaraha ka jira Deegaankaan.

Ma jiraan Masuuliyiin ka hadlay ama jawaab ka bixiyay Abaaraha ka jira Deegaankaan oo hada maraya meelo halisa.

Waxaa loogu baaqaya Masuuliyiinta Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedba iney kaalmo la gaaraan Deegaankaan inteysan isu badalin Masiibo.

Qurba joogta Deegaanka Soomaalida ayaa iyana loogu baaqayaa iney u kaalmeeyaan walaalohooda Deegasnka Tuli Guuleez iyo Mpoyaale.

Sawirka kore waa xiliga Barwaaqada Deegaanka Mpoyaale

Puntlandi.com
Jigjiga

<