Breaking News-Ciidamada Amaanka iyo kuwa Sirdoonka oo Garoomada Diyaaradaha iyo Kantaroolada Puntland la geeyey gacanta ugu dhigaan …

Wararka ay helayaan Howlwadeenada Puntlandi ayaa sheegaya in ay Ciidamada Amaanka ee Puntland ay baadigoob ugu jiraan dhow shaqsi oo looga shakisan yahay iney lacago soo galinayaan Garowe si khalkha loo galiyo Doorashada.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Garoomada Diyaaradaha Garowe, Gaalkacyo iyo Bosaso la dhigay Ciidan dharcad ah oo Awood buuxda wata kuwasoo baadi goob ugu jira laba shaqsi oo lasheegay iney Musharixiin Yihiin iyo Dad lagusoo rarayo lacago Muqdisho ka imaanaya.

Sargaal la hadley Puntlandi oo Gaalkacyo ku sugan ayaa noo sheegay in ay heystaan Amar ay ku qabanayaan Cidwalba oo ay ka shakiyaan iyo Dad gaara oo magacyadooda la soo gudbiyey”

Sargaalku wuu ka gaabsadey inuu noo sheego cida Amarkaan kasoo baxay iyo Dababta keentaybin xiligaan ay ishortaagaan Garoomada Diyaaradaha.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<