(VIDEO) Senator Cabdiraxmaan Faroole oo Garowe kusoo laabtay kana hadlay doorashada Puntland iyo inuu yahay musharax.

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland ahna senator katirsan aqalka sare ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Faroole, ayaa maanta dib ugusoo laabtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, kadib muddo dhowr bilood ah oo uu Muqdisho u joogay howlo shaqo iyo kulamada aqalka sare.

Senator Cabdiraxmaan Shir jaraa’id oo uu warbaahinta u qabtay ayuu sheegay inuu u yimid arrimaha doorashada Puntland islamarkaana uu maalmaha soo socda ka hadlidoono qaabka doorashadu u socoto.

Balse, Cabdiraxmaan Faroole waxa uu iska fogeeyay inuu yahay musharax u taagan madaxtinimada Puntland, taasna dadkii aaminsan inay qalbigooda ka saaran.

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id uu qabtay.

<