Igad oo shaacisay inay taageerayso doorashooyinka dowlad goboleedyada.

Muqdisho (Puntlandi) Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa sheegay inuu diyaar u yahay taageerada geeddi-socodka doorashooyinka dowlad goboleedyada, si ay horseed ugu noqdaan hiigsiga doorashooyin cod iyo qof oo Soomaaliya ka dhaca sanadka markuu yahay 2020.

Igad waxay soo dhoweysay balanqaadka dowladda federalka ee ah in la qabto doorasho guud oo caddaalad ah, si loo hubiyo siyaasada loo dhan yahay oo ku saabsan ajandaha dib-u-habeeynt Federaaleynta sida lagu caddeeyey shirarkii dowladda federalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

“IGAD waxay ku dhiirri-galinaysaa geeddi-socodka loogu talagalay demoqraadiyadda Soomaaliya si loo xoojiyo dowlad-wanaaga iyo ka-qaybgalka ballaaran ee muwaadiniinta ah si ay u fuliyaan xuquuqdooda dimuqraadiyadeed iyo mida dhaqaale.”

IGAD waxay sii wadi doontaa taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo geeddi-socodka siyaasadeed ee loo baahan yahay in lagu dhiso midnimo midnimo qaran.

Puntlandi.com

<