(Dhegayso) Dhismaha Wadada Lafa-goray ee gobolka Garda Fuu oo dhawaan labilaabi doono

Gudoomiyaha Gobolka Garda Fuu Maxamuud Axamed Cayna oo maanta waraysi gaar ah siiyay Warsidaha Puntlandi.com ayaa waxa uu ka hadahlay qorshaha dhismaha wadada Lafa-goray oo dhawaan dhismaheeda la bilaabi doono .

Gudoomiye Caynab ayaa sheegay in mashruuc 5kmtr ah oo mudo soo jiitamayay la bilaabi doono ,dhawaan ayna halkaasi tagi doonaan wafdi uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee Puntland C/laahi Xaashi Qoob Deero.

Waxa uu sheegay in wadadan ay u baahan tahay dhaqaale farabadan , maadaama ay halbowle utahay iskuxirka ganacsiga gobolka Garada Fuu iyo gobolada kale ee Puntland .

Lafa-goray waa wado raf ah oo ay ku hareeraysan yihiin Buuro  dhaa dheer .

Halkan ka dhegayso.

<