(SAWIRRO) Musharax Jebiye oo kulan la qaatay dhalinyarada Puntland ee caasimadda ku dhaqan.

Garowe (Puntlandi.com) Musharax madaxweyne Maxamuud Xasan Khaliif Eng, Jebiye, ayaa xalay magaalada Garowe kulan kula qaatay dhalinyarada Puntland ee caasimadda ku dhaqan, kulankaas oo loogu magac daray kulanka dhalinyarada iyo musharax Jebiye.

Dhallinyarada Puntland ayaa kulankaan taageero ballaaran  ugu muujinayay Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye, waxayna baaq u direen xildhibaannada iyagoo ka codsaday in ay doortaan Musharrax Jebiye, si Puntland horumar ugu tallaabsato ugana soo kabsato nidaam xumadii ragaadiyey shantii sano ee lasoo dhaafay.

Dhalinyaradii xaflada ka hadlay, ayaa musharaxa ku ammaanay inuu kaalin mugleh ka qaatay caawinta bulshada iyo gacan ka geysashada dhaqaale ee kaabayaasha bulshada, sida isbitaalada, masaajida, garoomada ciyaaraha, dhismayaasha danaha loogu adeegayo bulshada iyo nabadaynta beelaha..

Xildhibaan hore Saciid Cabdi Smatar (Surcad) oo kamid ah siyaasiyiinta garab taagan Jebiye ayaa ku ammaanay musharaxa inuu yahay shakhsiga kaliya ee ka jawaabi kara baahiyaha bulshada, la dagaalami kara musuq maasuqa islamarkaana shaqo abuur u sameyn kara dhalinyarada Puntland.

Eng, Jebiye oo dhalinyarada ujeediyay qudbad dheer oo xambaarsanayd nuxur badan. ayaa sheegay muhiimada koowaad inuu siindoono dhalinyarada una sameyndoono kobac dhaqaale, hal abuur ganacsi, tartan ganacsi islamarkaana uu bangiyada kala shaqeyndoono sidii dhalinyarada loo siin lahaa deymo ay ganacsi oo dowladdu ay damaanad qaadayso. balse musharaxa ayaa dhalinyarada ka codsaday inay joojiyaan dhaqanka ah inay xafiis fariistaan.

Musharaxa Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye Jebiye, ayaa sheegay Puntland inay maanta u baahan tahay in wax laga badelo hogaankeeda, taasoo ah dariiqa cid kasta oo doonaysa inay Puntland horumar ah dhab ah gaarsiiso. Waxaa uu tusaale usoo qaatay mashaariic horumarineed oo uu doonayay inuu ka Puntland ka fuliyo, laakiin u fashilmay cago jiid ka yimid xagga hogaanka dowladda.

Waxa uuu sheegay haddii uu ku guulaysto xilka madaxweynaha inuu ka faa’idaysandoono kheyraadka ku jira xeebaha Puntland islamarkaana uu abuuridoono warshado soo saara kalluunka loona dhoofiyo dalka dibadiisa, taasoo abuuraysa shaqo abuur iyo kobac dhaqaale.

DAAWO SAWIRRADA.

Puntlandi.com

<