(SAWIRRO) Musharax Cabdi Daahir Yuusuf (Yeey) oo maanta lagusoo dhoweeyay magaalada Garowe.

Garowe (Puntlandi) Cabdi Daahir Maxamed Yuusuf (Yey) oo u sharaxan xilka madaxtinimada dowladda Puntland ee doorashada 2019, ayaa maanta lagusoo dhoweeyay magaalada Garowe, isagoo kamid noqonayaa murashixiinta mar labaad utartamidoomo xilkaan.

Murashaxa ayaa loosoo dhoweeyay si lamid ah murashixiin isaga ka horeeyay, wuxuuna ka qudbeeyay barxada magaalada Garowe, halkaas oo uu ka jeediyay hadalo kooban oo isugu jiray mahad celin dadkii soo dhoweeyay iyo qorshihiisa siyaasadeed ee doorashada soo socota.

Cabdi Daahir waxa uu qiray isbedelkii ay dhaliyeen sanadkii 2014 inaanu dadka reer Puntland u mahdin sidii loo baahnaa, wuxuuse caddeeyay  in haatan la gaaray waqtigii isbedelka dhabta ah uu imaan lahaa.
Wuxuu sheegay barnaamijkiisa siyaasadeed inuu ku qotomo midaynta Puntland oyo midnimada Puntland.

Wuxuu xildhibaanada ugu baaqay inay codkooda siiyaan sidii loo heli lahaa isbedel dhab ah.

Halkaan ka daawo sawiradda iyo muuqaalka.

 

Puntlandi.com

<