Qaraxyo gilgilay caasimada Afgaanistaan ee Kaabul iyo tirada dhimashaya oo kor udhaaftay 40 qof

43 qof ayaa ku dhintay halka 20 qof oo kalen ay ku dhaawacmeen weerar Ismidaamin ahaa oo ka dhacay dhisme ku yaala xarun dowladeed dalka Afgaanistaan , sida ay sheegeen masuuliyiinta caafumaadka ee dalkaasi .

Boqolaal ruux ayaa laga soo saaray burburka guryaha soo dumay, halkaasi oo wasaaradda adeegga dadwaynaha iyo xafiisyo kalle oo ku yaalay dhismahaasi ay weerareen koox hubaysan.
sadex ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday ayay ciidamadu goobta ku toogteen , halka mid kamid ahna uu is qarxiyay .
Majirto cid sheegatay masuuliyadda weeerarkan ,balse kooxaha Daacish iyo Al-qaacida ayaa weeraro noocan oo kale ah ka gaysan jiray magaalada Kaabuul .

 

<