Dagaal Siyaasadeed iyo mid hubeysan oo kusoo food leh Maamulka Axmed Madoobe iyo Jubbaland

Dowlada Federaalku waxay sanad ka hor bilowdey olole ay Dooneyso iney Maamul Goboleedyada awoodooda ay ku Wiiqdo, ololahaas wuxuu ka bilowdey markii hore Jubbaland iyadoo loo adeegsanayay shaqsiyaad ay isku heyb ahaayeen hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe,waxayna Xukummada Federaalku isku dayeen iney hogaamiyayaal ciidan ay geeyaan Kismasyo laakiin Dowlada Federaalku way ku hungowdey iney fooda galiyaan Axmed Madoobe iyo Kismaayo.

Waxaa weerarkii loo wareejiyey Jowhay(Hirshabeele) iyo Dhuusamareeb , Kharash kooban ayaa durba lagu burburiyey labadaas maamul laakiin Maamulkii Koonfur Galbeed oo ay Xukuumada Federaalku maal iyo Naf galisay sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Baydhabo ayaa adkaatey.

Aad ayay ugu adkaatay Xukuumada Federaalku iney ka adkaadaan Madaxweynihii xiligaas hogaaminayay Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Mukhtaar Roobow oo isna awood labaad ka ahaa Baydhabo, wuxuuna Shariif Xasan burburiyey Siyaasadii Villa Soomaaliya ee ku wajahneyd Baydhabo iyo in la qaso Doorashadiisii, Villa Soomaaliya waxay aakhirkii u adeegsadeen Burburinta Awoodii Shariif Xasan iyo Roobow Ciidamada Itoobiya. Gacanta ayayna ku dhigeen durba Baydhabo, oo shaqadaas waxaa fududeeyey Walaaleheen Itoobiya.

Taasi waxay rajo weyn galisay Xukuumada Federaalka waxayna durba bilaabeen in Next target uu noqdo mar labaadna ay isku dayaan Axmed Madoobaha Jubbaland.

Jubbaland dagaalka hada lagu hayo waa ka duwan yahay kan maamulada kale oo waxaa jira dagaal siyaasadeed kale oo feer socda kan lagu hayo Federaaliisamka,weerarka lagu hayo Jubbaland oo bilowdey markuu awooda la wareegay Madaxweyne Farmaajo, Waxaa looga faa’iideysanayaa loolan siyaasadeedka ka dhexeeya Dadka Reer Jubbaland oo soo jiitamayay tan iyo xiligii isbahaysigii Doxada Juba.

Bishaan December bartameheedii waxaa Xamar ka dhacay kulan ay Xukuumada Federaalku soo abaabushay oo ay isugu yimaadeen Siyaasiyiin kasoo jeeda Jubbaland,kulankaan waa bilowgii weererka lagu qaadayo Axmed Madoobe.

Waxaa hada Xamar ka socda kulamo iyo Abaabul ka dhan ah Axmed Madoobe kuwasoo la doonayo in xukunka looga tuuro Axmed Madoobe iyo kooxdiisa.

Si taasi u dhacdo waa in marka hore ay Villa Soomaaliya ay heshaa gacan sadexaad sidii looga taqalusay Shariif Xasan iyo Roobow,waana Qorshaha ay hada wadaan Madaxda Federaalku.

Bishaan december 18-keedii waxaa Jigjiga loo diray wafdi Xildhibaano ah oo hogaamknayay Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar-jecel,waxaa weheliyey Xubno ay Axmed Madoobe isku heyb yihiin.

Kenya iyana waxaa loo direy oo Muqdisho laga diray wafdi u badan Xubno ay Axmed Madoobe isku heyb yihiin.

Todobaadka soo socdana waxaa qorsheysan in Madaxda ugu saraysa Villa Soomaaliya ay booqdaan Nairobi si kaalmo siyaasadeed loogu helo weerarka lagu qaadayo Axmed Madoobe, Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha midkood ayaa wafdigaas hogaamin doona.

Waa abaabul Qorshaysan oo ka dhan ah Maamulka Axmed Madoobe iyo mowjado Siyaasadeed oo kusoo food leh Kismaayo.

Sida ay warbaahinta Puntlandi ay Warar kala duwan ku helayaan Axmed Madoobe iyo Kooxdiisu iyana waxay wadaan abaabul ay uga hortagayaan weeraradaas, oo ay ogsoon yihiin iney kusoo wajahan yihiin Weeraro Abaabulan.

Puntlandi.com
Nairobi

<