24 musharax oo u taagan madaxtinimada Puntland oo ku heshiiyay inay dhaliyaan isbedel

24 musharax oo u taagan doorashada madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa maanta ku heshiiyay inay dhaliyaan isbedel iyo la dagaalanka nuuc kasta oo kamid ah musuq maasuqa haddii midkood uu ku guulaysto xilka madaxweynaha loo tartamayo 8-da january ee sanadka soo socda.

Murashixiintaan oo kulan ku yeeshay magaalada Garowe, ayaa sidoo kale waxay ka digeen in faro galin lagu sameeyo doorashada.  Waxay kaloo isku raaceen inay diyaar u yihiin doodaha lagu wareysanayo murashixiinta.

Halkaan ka daawo.

<