Wasiirka warfaafinta Puntland oo xafiiskiisa uga yeeray warfidiyeenada Puntland.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa xafiiskiisa uga yeeray warfidiyeenada Puntland ka howlgalla ee ku sugan magaalada Garowe, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Lama oga ujeedada u yeeritaanka warfidiyeenada, hase yeeshee xiriir aanu la sameynay saraakiil wasaaradda katirsan ayaa inoo sheegay in wasaaradda warfaafintu doonayso inay saxaafada kala hadasho arrimo ku saabsan nabad gelyada iyo ka feejigaanta wararka been abuurka ah xilliga doorashooyinka.

 

 

<