(VIDEO) Dowladda Puntland oo war kasoo saartay ilaalada badan ee murashixiinta iyo hubkooda.

Garowe (Puntlandi) Dowladda Puntland ayaa fartay murashixiinta u tartamaya xilka madaxwetinimada inay xakameeyaan hubka iyo ilaalada faraha badan ee ay kusoo daynayaan magaalada gudaheed.

Wasiirka amniga Puntland, Axmed Yuusuf dowlad oo ka hadlayay shir jaraa’id ayaa murashixiinta ku wargaliyay inay ilaaladooda soo dhaafin guryahooda marka aanay ku guda jirin olalahooda doorashada.

Wasiirku wuxuu tilmaamay inay dowladdu diidayso isbarbar yaaca amni iyo qatarta ciidamada hubka iskala dhexmaraya magaalada gudaheeda, iyagoo aan wadan astaan ciidan iyo aqoonsi midna.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa isna sheegay in dowladda aad uga feejigan tahay in lagusoo dhex dhuunto ciidamada tirada badan ee iska dhex yaacsan magaalada, taasoo cadowgu ka faa’idaysan karo.

Halkaan ka daawo.

 

<