(SAWIRRO) Axmed Karaash oo ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland

Wasiirkii hore ee duulista hawada iyo garoomada Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland.

Xaflad weyn oo masharuxu ku shaacinayay go’aankiisa oo lagu qabtay Garowe, ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal qof oo ka socday bulshada qeybaheeda kala duwan, Isimada soo jireenka ah ee Puntland iyo masuuliyiin katirsan golaha wasiiradda.

Dadkii ka hadlay xaflada, ayaa musharaxa ku ammaanay inuu yahay shakhsi muwaadin ah oo ay ku weyn yahay Puntlandernimada wax badan oo horumar ahna kasoo qabtay Puntland. Waxaa kale oo lagu ammaanay inuu yahay masuul ay ka go’antahay xoraynta gobolka Sool iyo midnimada Puntland uuna mudan yahay in xilkaan loo doorto.

Caaqil Axmed Hoolif, oo kamid ah caaqilada gobolka Sool, ayaa sheegay in uu magaalada Laascaano ugasoo safray si uu ugasoo qeyb galo musharaxnimada Axmed Karaash, si uu u umujiyo kalsoonida uu ku qabo in Axmed Karaash yahay yahay nin soo celin kara haybadii iyo sharafkii gobolka Sool lahaa ayna ku garab istaagayaan tilaabadaas.

Isimada Puntland oo kalmado kooban ka jeediyay madasha, ayaa musharaxa ugu duceeyay inuu xilkaan ku guulaysto haddii uu kheyr ugu jiro, waxayna siiyeen dardaaran culus oo ku saabsan xilka uu utartamayo.

Musharax Axmed Karaash oo qudbad dheer ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay waxqabadka intii uu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha iyo wasiirkii duulista hawada Puntland, isagoo sheegay shaqooyinkii uu kasoo qabtay inay maanta si wacan uga muuqdaan Puntland.

Axmed Karaash ayaa tilmaamay haddii uu ku guulaysto xilkaan inuu ka shaqeyndoono difaaca Puntland, wadajirka iyo isku keenida shacabka. Waxaa uu balanqaaday xitaa haddii uu ku guulaysan waayo inuu ahaandoono odey reer Puntland ah oo halganka halkiisa kasii wada.

Axmed Karaash ayaa noqonaya wasiirkii labaad ee katirsan xukuumada Puntland ee iskusoo sharaxa xilkaan, iyadoo ay tahay markii labaad oo uu xilkan u tartamayo.

DAAWO SAWIRRADA.

Puntlandi.com

<