Puntland Diospora Forum oo soo saaray baaq ku socda Doorashada Puntland

PUNTLAND DIASPORA FORUM
DOORASHADA MADAXWEYNAHA PUNTLAND

BAAQ FURAN IYO BARAARUJIN
23 December 2018

KU: Dhammaan Murashixiinta u tartamaya xilka Madaxweynenimo ee Puntland
KU: Guddiga Xallinta Khilaafaadka
KU: Guddiga Doorashada
Ujeeddo: Doorasho Nadiif ah iyo Amni Sugan

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan marka hore idiinku hambalyaynaynaa inaad usoo istaagteen una soo banbaxdeen sidii aad uga midnoqon lahaydeen musharaxiinta u taagan una tartamaya xilka Madaxweynenimo ee Puntland ee 2019. Musharaxii ku guulaysta doorashadaan lagu guda-jirana wuxuu noqonayaa Madaxweynihii 6aad ee ay Puntland yeelato labaatankii sano oo ay Puntland jirtay. Waxaan aamminsan in dhammaan Murashaxiinta yihiin akhyaar leh karti ay ku hoggaamin karaan Puntland, una horseedi karaan wanaag, wadajir iyo horumar taabba gal ah.

Doorashadu waxay ka mid tahay astaamaha lagu yaqaan in waddan uu leeyahay xasillooni siyaasadeed oo u horseedda in hoggaanka waddanka si nabadgelyo leh uu isu beddelo, taasina waxay markhaati ka tahay in Puntland ay gaartay biseyl siyaasadeed oo u horseeday horumar iyo nabadgelyo.

Puntland muddadii ay jirtay waxay gaartay horumar la taaban karo o dhinacyo badan taabanaya. Horumarkaas wuxuu ku yimid madaxda waddanka oo mid walba kii ka horreeyay mashaariicdii uu ka dhaxlay dhammaystira, isaguna kuwa uu billaabo haddii uu dhammeystiri waayo inta uu xilka hayo waxaa dhammeystira qofka xilka uga dambeeya.

Doorashada maanta Puntland ka socota waa mid ka duwan kuwii hore oo waxaa ku tartamaya murashaxiin faro badan oo wata afkaaro iyo qorshayaal siyaadadeed oo kala duwan. Murashax kasta wuxuu soo bandhigay barnaamijka uu rabo in lagu doorto oo uu wax ku hoggaamiyo. Sidaas awgeed, barnaamij kasta oo wanaagsan si uu u hirgalo waxaa lama huraan ah inuu noqdo mid la falgeli kara xaaladda markaas lagu jiro, oo aysan ka awood badin duruufo, masaalix iyo xisaabaad kale.

Haddaba annagoo ku hadlayna magaca Dhammaan Qurbajoogta Reer Puntland, kana duulayna maslaxadda, midnimada iyo jiritaanka Puntland, waxaan Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga Doorashadaba kula dardaarmaynaa inay howshooda u gutaan si hufan oo aan shaki ka iman karin.

Ciidanka amniga ee doorashada loogu talagalay waa ka mid yihiin adeegayaasha bulshada oo hawshoodu tahay in ay xaqiijiyaana inay doorashadu ku dhacdo jawi wanaagsan iyo nabadgelyo.

Ciidammada amniga hawshoodu kuma koobna oo keli ah ilaalinta ammaanka Garowe xilliga doorashada, ee waxaa u dheer ilaalinta amniga waddanka oo dhan xilliga doorashada iyo xilli kasta. Haddaba waxaa lagama maarmaan ah in dadka Puntland ay iska kaashadaan ilaalinta amniga xilliga doorashada oo ay gacan weyn siiyaan ciidammada amniga. Murashixiinta tartamaya iyagana waxaa saaran xil dheeri ah waana inay la shaqeeyaan laama amniga iskana kaashadaan jawiga doorasho sidii uu u noqon lahaa mid deggan oo leh ammaan la isku hallayn karo.

Doorashadu waa in ay noqotaa munaasabad dabbaaldeg iyo isbeddel ee aysan noqon goob dagaal iyo jawi nacayb.
Gollaha Qurbajoogta Puntland – Puntland Diaspora Forum (PDF), wuxuu soo dirayaa korjoogayaal kaalin ka qaata ilaalinta in ay doorashadu u dhacdo si xor iyo xalaal ah. Korjoogayaasha PDF waxay la shaqayn doonnaan Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga Doorashada, waxayna kaashanayaan ururrada kale ee gudaha dalka jooga sida PUNSAA iyo PDRC. Doorashada ka dibna waxay ka soo saari oonaan warbixin sidi ay doorashadu u dhacday.
Ugu dambeyn, doorshadu markay dhammaato oo la magacaabo murashixii ku guuleysata tartanka, waxay dantu ku jirtaa in uu la tashado murashixiinta kale sidii ay ugula shaqayn lahaayeen madaxweynaha cusub sidii ay Puntland u gaari lahayd horumar siyaasadeed oo ku salaysan axsaab siyaasadeed iyo doorasho toos ah oo dadweynuhu doortaan baarlamaanka iyo madaxweynaha, loogana gudbo siyaasadda qabiilka ku salaysan ee ragaadisay Puntland iyo Soomaaliyaba.

Gollaha Qurbajoogta Puntland
Puntland Diaspora Forum (PDF)
chair@Puntlanddiaspora.org

<