Maxaa looga hor taagan yahay xildhibaanimadiisa Garyaqaan Maxamuud Nuur Muuse?

Kadib markii 10-kii bishani December uu shaaciyey Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ah Garaadka guud ee Beesha Maxamed Siyaad (Ugaadh yahan) in uu xildhibaankii Beesha Cabdi Maxamuud uu u saxiixay Garyaan Maxamuud Nuur Muuse oo kamid ah sharciyaqaanada kasoo jeeda Beeshaasi isla markaasna munaasibad soo dhoweyn ah loogu qabtay gudaha magaalada Garowe ee caasimada Puntland Garyaanka oo ah xildhibaanka sharciga ah ee Beesha Cabdi Maxamuud ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyey ayaa waxaa iska soo daba dhacayey warar sheegaya in fara gelin ay ku sameeyeen shakhsiyaad gaar ah hanaanka ansixintiisa.

Kursiga xildhibaan Garyaan Maxamuud Nuur Muuse oo hore uu ugu fadhiyey muddo dhan 20 Sano xildhibaan Saadiq Abshir Garaad Maxamed oo markii hore isagu u tanaasulay Garyaanka ayaa la sheegay in uu kamid yahay shakhsiyaadka dadaalka xoogan ku bixinaya sidii ay meesha uga saari lahaayeen xubninimadiisa Garyaan Maxamuud Nuur Muuse, waxaana gudida xalinta khilaafaadka Puntland haatan la yaala labo araaji oo cadaynaya muran galinta xubintaasi kadib markii Saadiq Abshir Garaad uu xidhiidh hoose la sameeyey qaar kamid ah gudida xalinta khilaafaadka Puntland oo uu kamid yahay walaalkiisa.

Qorshaha Saadiq Abshir Garaad ayaa markii hore ahaa in uu isku soo taago xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland hasa ahaatee arintani ayaa is badashay kadib markii garabyo siyaasadeed oo ka miisan culus ku arkay saaxada xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland oo loolan adag ay ugu jiraan musharaxiin badan oo kasoo jeeda deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Arinta labadaad ee loo sababaynayo dib ugu soo gurya noqoshadiisa ayaa kamid ah in uu dadaal xoogan ku bixinayo si uu musharaxiinta madaxtinimada Puntland uga dagi lahaa shakhsiyaad gaar ah oo xildhibaano ah oo uu garab ka haysta, taas oo ka dhigan qaab dilaal ahaan hasa yaashee gudida xalinta khilaafaadka ayaa laga filayaa in ay la yimaado go’aan ku salaysan cadaalada oo waafaqsan shuruucda iyo nidaamka u dagsan dowladda Puntland.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO NUGUL CADEYN AH OO KU SAABSAN WARAAQDII KASOO BAXDAY GARAAD SALEEBAAN GARAAD MAXAMED EE SHAACINTA XILDHIBAAN GARYAAN MAXAMUUD NUUR MUUSE.

Marka laga yimaado nuqulkani kasoo baxay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ku astaysnaa 10-kii bishani December isla markaasna lagu cadeeyey in Garyaqaan Maxamuud Nuur Muuse uu yahay xildhibaanada kaliya ee kasoo baxay Beesha ee muranka la galiyey sharciyadiisa dhabta ah ayaa waxa ay Beesha Cabdi Maxamuud waraaqo cadaymo ah iyo dacwad ay u gudbiyeen gudida xalinta khilaafaadka Puntland, kuwaas oo ay ku cadaynayaan lahaanshaha dhabta ee kursigaasi oo Garaadku u saxiixay Garyaqaan Maxamuud Nuur Muuse sida ku cad nuquladan hoose.

Hadaba gudida xalinta khilaafaadka ma noqon doonaan kuwo shaqadoodu ay salaysnaato daacadnimo iyo u adeegida bulshada reer Puntland? Maxaase laga doonayaa oo haatan la gudboon?

Inkastoo beelaha wadaagta ku ah kursigani ay iyagu heshiis ku yihiin magacaabista iyo ansixinta Garyaqaan Maxamuud Nuur Muuse oo sharciyada kursigani haatan isagu haysta hadana xaqiiqadu waa mid hor taala gudida xalinta khifaadka oo rajada shacabka Puntland haatan gacanta iyagu ku haya marka laga yimaado soo xulista isimadda dhaqanka oo hawlihii loo igmada xiligani dhankooda ay ka dhan yihiin.

Xildhibaan Garyaqaan Maxamuud Nuur Muuse Iyo Cuqaasha Beesha Cabdi Maxamuud
  Xildhibaan Garyaqaan Maxamuud Nuur Muuse Iyo Cuqaasha Beesha Cabdi Maxamuud

Gaba Gabo:-

Ugu dambeyntii waxaan halkan fariin uga dirayaa xildhibaan Saadiq Abshir Garaad Maxamed oo ah xildhibaan muddo dheer kasoo ahaa Puntland, waxaana leeyahay Garaad hadiiba aad tanaasushay Gocosho iyo Is daba marin laguma ogeyn Saldanada Ugaadhan yahane tanaasushee duco qaado xaq daro haku dagaalamine xaqa u hiili Saldanadana bad baadi dadku yeysan kala tagine.

W/Qoray Abdirahman Jama