Isimada Puntland oo la wareegay hanaanka doorashada Puntland ee 2019

Isimada dowladda Puntland  ayaa maanta sheegay in gabi ahaanba ay lawareegen  hanaanka  maamul iyo  habsami u socodka doorashada Puntland 2019.

Isimada ayaa hadalkan ka sheegay shr jaraaid oo ay maanta ku qabteen magaalada Garoowe ee caasimada Puntland,sida uu ku soo waramayo wariyaha Puntlandi.com ee magaalada Garoowe .

Isimada ayaa sheegay in ay la kulmeen dowladda iyo musharaxiinta ,ayna kala hadleen arimaha doorashada Puntland ku soo wajahan .

Musharaxiinta utaagan doorashada ayaa maalmihii udambeeyay tabasho ka muujinayay xukuumada talada haatan haysa, iyagoona shaki galiyay kalsoonida lagu qabi karo Guddiga uu magacaabay Madaxweynha Puntland Cabdi Wali Gaas .
Wixii ku soo kordha warkan kala soco Puntlandi.com .

<