Geeska Afrika oo Amaanka meelo badan la adkeeyey, cabsi laga qabo Al-shabaab iyo dayac amaan oo Garowe ka jira

Adis Ababa, Nairobi,Xuduuda Kenya, Kismaayo iyo Muqdisho ayaa Sugida amaanka kor loo qaadey cabsi laga qabo in Al-shabaab ay soo maleegaan weeraro qorshaysan Kala guurka Sanadka.

Xukuumada Puntland ayaan waxba kala socom walwalka Amaan xumo ee ka jira Geeska Afrika iyo is ururinta ay wadaan Darisku kala guurka sanadka .

Caasimada Puntland oo hada la ciirciiraysa Ololaha Doorashada ayaa u muuqata in la dayacay Amaankeeda, iyadoo lagu jiro xili ay Al-shabaab caadaystaan iney soo Abaabulaan Weerararo Argagixiso.

Kenya iyo Itoobiya ayaa aad u adkeeyey Amaankooda xiliga Ciida Masiixiga (Chrismaska) iyo Sanadka cusub iyagoo ka walwal san in Al- Shabaab ay weeraro soo qaadaan.

Puntlandi.com
Garowe