Cali Ciise oo lagu yaqaanay colaadda Puntland oo isu soo sharaxay madax-weynenimada Puntland.

Muqdisho:- War aynu ka helnay ilo ku dhow-dhow madaxtooyada dowladda federal-ka Soomaaliya ayaa sheegaya in maalinta berri ah (Dec.25,Talaadada) uu magaallada Garowe ku soo fool leeyhayay Cali Ciise Cabdi oo ahaa ama ku soo caan baxay colaadda Puntland isagoo ah murashax doonaya inuu u tartamo xilka madax-weynaha Puntland. Warkan ayaa intaas ku daraya in Cali Ciise oo madax ka ahaa hay’ado badan oo xagga sama-falka ah oo ka hawl geliyay dalka Itoobiya ay halkaas uga yeertay dowladda Federal-ka oo iyada u so jeedisay inuu xilkaas isu sharxo, iyadoo ay dowladda federal-ka rumaysantahay in Cali Ciise u heli karo si dhib yar cododka xil-dhibaannada Sool iyo Sanaag oo iyagu tiro ahaan kala bar ku dhow xil-dhibaannada Puntland.

Warka ayaa intaas ku daraya in Cali Ciise uu dowladda federal-ka ah uga jiro marka la eego doorashada Puntland kaalintii uu ugu jiray Lafta-Gareen doorashadii Koonfurta Galbeed, waxayna dowladda federal-ka Puntland u soo diraysaa saraakiil sarsare oo ku jira golayaasha dowladda kana soo jeeda deegaannada Puntland si ay gacan u siiyaan Cali Ciise Cabdi.

DHInaca kale, warar hadda magaallada Garowe ee xarunta Puntland ka soo baxaya oo aanrasmi ahaan shaacin ayaa sheegaya in ciidamada sir-doonka Puntland lagu amaray inay ninkaas soo qabtaan haddii uu ciidda Puntland soo galo si wax looga weydiiyo saamaynta uu ku lahaa rabshado iyo colaado ka dhacay gobollada Sool iyo Sanaag, xilliyadii uu u ololeyniyaya Cali Khaliif Galeydh.  

Puntlandi.com
Garowe

<