Akhriso Isimada Puntland oo bayaan kasoo saaray doorashooyinka

Isimada Puntland, ayaa bayaanka kasoo saaray doorashooyinka kusoo wajahan Puntland

Halkaan hoose ka akhhriso

  1. In la wada-qaato masuuliyad wadareed, cidkasta ay xil iska saarto sidii loo heli lahaa doorashado ku dhacda nabad iyo xasilooni.
  2. In Guddiga xalinta khilaafaadka lagu aamino in ay soo ansixiyaan soona saaraan xildhibaaanadii beeluhu soo xusheen, Issimudan soo saxiixeen.
  3. In musharaxiin yihiin masuuliyiin muwaadiniin ah, xilna ka saaran yahay la shaqeynta Guddiga doorashada iyo laamaha amniga.
  4. In taliyaasha amniga ay masuul ka yihiin amniga guud, musharaxiintu ay u siman yihiin.

Kulanka Issimada Puntland ka soo saareen bayaanka ayaa daba socday kulamo ay horey ula qaateen musharaxiinta Puntland oo cabashooyin ka qabay Guddiga khilaafaadka iyo amniga doorashada.

Puntlandi.com

<