Faalada Todobaadka– Janaraal Ilka-jiir wuxuu mudan yahay inuu hogaamiyo Puntland 5 sanoo soo socota

Markaad dib u eegtid Siyaasiyiinta u tartamaya maanta Hogaaminta Puntland ma jiro shaqsi lagu badalan karo Janaraal Cabdullaahi Ilka Jiir oo hada sida xantu sheegayso u sharaxan Madaxweyne Xigeen.

Laakiin Ilka Jiir uma qalmo inuu maanta uu Madaxweyne Xigeen ka noqdo Puntland wuxuu mudan yahay oo uu 100% uu u qalmaa inuu noqdob Madaxweynaha Puntland ee Shanta sano ee soo socota.

Musharixiinta maanta u taagan iney u tartamaan hogaaminta Puntland(Madaxweyne) ma jiro mid leh khibradda Hogaamin, puntlaandinimo iyo Siyaasadeed ee uu leeyahay Mudane Halgamaa Cabdullaahi Jamac Ilja Jiir.

Ilka Jiir wuxuu kamid ahaa aasaasayaashii Puntland wuxuu qayb libaax kasoo qaatay Amaanka Puntland lagasoo bilaabo 1992, Qofkii xasuustaa xasuusta Halgankii lagu dajiyey Amaanka Puntland xiligii Itaxaadku isku dayeen iney la wareegaan Puntland Ilka Jiir wuxuu ka mid ahaa Ragii u istaagay in Talada Puntland ay gacanta usoo gasho Shacabka Puntland, wuxuu kamid ahaa Hogaamiyaashii Puntland ka xoreeyey Ururo beenaadyadii huwanaa magaca Diinta ee la baxay Al- itaxaad iyo wax la mida. Wuxuu ka mid ahaa geesiyadii Puntland ee soo ho’ yiyay guusha iyo Amaanka aan maanta ku faaneyno “Ku dayo Puntland”.

Waa nasiib daro in aanlaga faa’ iideysan ama la maamuusin shaqsiyaadka gaarka ah sida Cabdullaahi Axmed Jaamac ILKA JIIR, wuxuu mudan yahay inuu maanta hogaansho Puntland ee ma mudna inuu Madaxweyne Xigeen noqdo.

Alla ha u naxariistee Madaxweynihii u horeeyey Puntland Cabdullaahi Yusuf wuxuu buugiisa ku yiri” Markaan imid Bosaso oo ay heystaan Al- Itaxaad , buuraha Sanaagna ay ku jiraan ciidan Al-Itaxaad ah oo uu hogaaminayay Xasan Daahir Aweys, Waxaa igu adkaatay inaan kaligay Dagaal la galo, waxaa iiyimid buu yiri Cabdullaahi Jamac Ilka Jiir wuxuuna igu yiri ” Cabdullaahi Goboledeenu (Puntland) waxay u baahan yihiin in laga xoreeyo kooxahaan(Al-itixaadka) inta goori goor tahay,Aniga ii daa Reer tolkay iyo Sanaag adiguna Garowe ku noqo oo halkaas Abaabul kasoo bilow”.

Jeneraal Ilka Jiir wuxuu ka mid ahaa Ragii u istaagay aasaaska iyo jiritaanka Puntland.

Xasuusin gaara — Ha u qaadan qoraalkaan inuu yahay olole doorasho, Waa Faalada todobaadkaan ee Puntlandi.com

<