(Dhegayso) Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa

Injineer Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe waxa uu kaga dhawaaqay in uu yahay mushar  Madaxweyne kuxigeen 2019.

Camaey ayaa waxa uu sheegay in shantiisano ee uu xilka hayay uu kororsaday khibrad badan ,wuxuuna codsaday in markale ladoorto.

Waxa uu ka hadlay xiriirka uu la leeyahay dowladda fadaraalka Somaaliya .

Eng Camey  ayaa yiri “Xiriirka Dawlada Federalka iyo Camey baan idiin cadaynayaa, haa Camey xiriir buu la leeyahay Dawlada Federalka, haa Dawladnimo Soomaaliyeed baan rabaa, waayo Dawlada Federalka Puntland oodhan baa kamid ah, reer Puntland waa isku raacsan yahay, Dawlada Federalka inaan xiriir la yeesho cidna kuma raali gelinayo”

Dhegayso.

<