(Dhegayso) Falanqayn : Argagixisada Al-shabaab sidee ugu suurta gashaa in ay Qaraxyo ka fuliyaan Madaxtooyada horteeda ?

Waxaa sii kordhaysa tirada  dhimashada  dadkii  wax ku noqday  Labo qarax oo loo adeegsaday gawaari nooca raaxada ah oo shalay Al-shabaab ay ka fulisay meel aan sidaa uga fogayn Madaxtooyada Soomaaliya .

Qaraxyadan ayaa waxaa  ku dhintay  30 qof oo shacab ubadan  ,waxaana ku dhaawacmay in kabadan ilaaiyo  15 qof oo kale .

Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa booqasho ugu tagay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadan.

Hadaba yaa usuurta galiya Al-shabaab in ay  ka soo gudbaan baraha kaantarool  oo ay ciidamadu fadhiyaan ? Su,aalahaas iyo kuwo kale waxa uu Puntlandi.com uu hor dhiyay Maxamuud Cabdi oo horay ugamid ahaa saraakiishii dowladdii C/laahi Yuusuf  iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed .

 

 

<