Xog– Muran Wali ka taagan inta badan Xildhibaanada cusub iyo Gudiga Doorashada oo beri Axada bilaabaya kala shaandheyn

Ilo aad ugu dhow Gudiga Xalinta khilaafaadka Doorashada Puntland ayaa Howlwadeenada Puntlandi u sheegay in beri oo axada ay Gudigu bilaabayaan Kala saarida xubnaha isku heysta kuraasta Baarlamaanka.

Sida Puntlandi Xogta ku hayaan inta badan kuraasta waxaa ka taagan Muran halka kuraasta sida rasmiga ah loosoo gudbiyey oo aan wax muran ahi uusan ka taagnayn ay hada dhan yihiin 39 kursi.

Waa tiro aad uga yar tirada Xildhibaanada Diyaarka ahaa doorashadii hore xiligaan oo kale.

Gudiga Doorashada waxaa hada loosoo gudbiyey Cabashooyin badan iyadoo ay shaqada Gudiga tahay in ay qabtaan dacwad kasta oo ku aadan Kuraasta Cusub ee Baarlamaanka isla markaasna ay ku sameeyaan baaritaan si loo helo Shaqsiga saxda ah ee Beeshu soo dirsatay.

Gudiga Khilaafaadka oo shaqadoodu ku egtahay marka ay soo dhameys tirmaan 66-da Xildhibaan ayaa waxay hada aad u adkeeyeen in wax wara laga helo halka ay marayso soo xulida Xildhibaanada iyadoo mudo 7 cisho ka yar ah ay harsan tahay xiliga la filayo iney kulankooda Kowaad ay yeeshaan Xildhibaanada cusub.

Sidee lagu kala saarayaa Kuraasta Muranku ka taagan yahay

Gudiga Doorasha shaqadoodu waa iney marka hore ay hubiyaan Xildhibaanada cusub iyo kuwa dib loosoo doorto ee ay beeluhu soo xuleen , Xildhibaanka cusub ama Xildhibaanka dib loosoo doorto waa inuu Gudiga usoo gudbiyaa Warqada Isinkoodu usoo saxiixay, kadibna Wuxuu gudigu la xiriirayaa Isinka leh saxiixa Beesha oo ah Isimada soo jireenka ah ee Beeshaas.

hadii Beel Hal kursi iyo wixii kabadan leh ay kasocdaan Laba qof iyo vwixii ka badan oo midwalbaa uu Warqad Saxiixan wato,waa in Gudigu uu qaabilo dhamaantood kadibna baaritaan uu galiyo kiiska kursiga/kuraasta la isku haysto,

Isimka soo jireenka ah ee Beeshiisa kuraastoodu uu muran ka taagan yahay, Waxaa guulaysanaya Shaqsiga uu farta ku fiiqo Isinku. Gudiga Doorashadana waxaa waajib ku ah iney aqbalaan qofka uu Isinkiisu yiraahdo kasaa Beeshu soo dirsatay, kuwa ku heystana dib ayaa loogu celinayaa dacwadooda.

Isimada soo jireenka ah Waa Isimada rasmiga ee Beeluhu ay leeyihiin. Matalan

Beesha Maxamud Garad ee Dhulbahanta waxaa Saxiixa rasmiga ah leh Garaad Saleemaan Garaad Maxamed.

 Beesha Awrtable waxaa xaq u leh saxiixa  Ogaas Cumar Geele

Dashiishe waxaa saxiixi kara oo qura Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin ama ciduu isagu wakiisho.

Beesha Cumar Maxamuud waxaa saxiixa leh Islaan Bashiir.

Beelaha Lagasoo doorto laba Gobol waxaa saxiixa leh cida uu Isinka soo jireenka ah ee Beeshaas uu wakiisho. Waana in Gudiga Doorashadu uu hubiyaa hadii Xildhibaan cusub uu la yimaado Warqad uu saxiixay Isin aan Beeshiisa ahayn.
Gudiga Doorashadu waxay la xiriirayaan Isimka Beesha uu ka socdo Xildhibaanka wata Warqad uu Isim kale uu wakiil ahaan kusoo saxiixay.

Puntlandi.com
Garowe

<