Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo digniin culus udiray duqa Garowe (Maxay tahay digniintaas?)

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) ayaa qoraal u soo saaray ugu digay duqa degmada Garowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo uu sheegay in uu ku howlanyahay olole siyaasadeed oo ka dhan ah Puntland isla markaana lagu taageerayo Dowladda Federalka ah.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay in uu duqu Muqdisho ku soo galay shirar siyaasadeed isla markaana uu Garowe kula shiray culumo awdiin uu ku booriyey in masaajidada ka taageraan dowlada Federalka ah, xiligii madaxwayne farmaajo mooshinka laga keenay.

Puntlandi.com

<