Faah Faahin: Qaraxyadii ka dhacay Muqdhisho iyo tirada dhimashada oo kor udhaaftay 10 qof

Ugu yaraan  10 qof ayaa ku dhintay  14 kalen waxaa ay ku dhaawacmeen laba qarax oo ka dhacay meel ku dhaw Tiyaatarka Qaranka,  halkaas oo ay a socda howlo is xilqaan ah oo dib loogu dayactirayay Tiyaatarka .

 

Dhanka kale NISA ayaa qoraal ay soo dhigeen Barta ay ku leeyihiin twitter-ka waxa ay ku sheegeen in Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen hoggaamiyihii qaraxyada Maanta ka dhacay magalada Muqdisho,iyo sidoo kale Darawalkii waday Gaariga ku qarxay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon.

 

Al-shabaab ayaa sheegatay mas,uliyada qaraxyadan ,mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda .

 

 

 

<