(Dhegayso + Sawiro ) Ardaydii ugu badanayd oo maanta Jaamacada Bariga Afrika ufariistay Imtixaankii weynaa ee sanad Jaamacadeedka 2017-2018

Ardayda wax ka barata Jaamacada Bariga Afrika ee magaalada Bosaaso ayaa maanta u fariistay Imtixaankii weynaa ee jaamacada Bariga Afrika oo ahaa simistarkii dhexe ee sanad jaamacadeedka 2018-2019 .

Sheekh Axmed faarax Garaase oo ah madaxa xafiiska imtixaanaadka ee jaamacada Bariga Afika ayaa sheegay in imtixaanka ardayda ay gali doonaan inta uu socdo galinka hore iyo galinka dambe Ardayduna ay ku galeen si kalsoni ay ka muuqato.

kusimaha Gudoomiye kuxigenka jaamacada Bariga afrika Amed Maxamed faarax Dheeli ayaa dhankiisa sheegay in Jaamacada Bariga afrika ay ardayda u hayso dhamaan taqasuu saadka ay u baahantahay  laguna soo kor dhin doono kuliyado kale oo hor leh .

Wariyaha Puntlandi.com ee Bosaaso ayaa warbixintan ka diyaariyay .

Sawirro.

 

<