Howlgalo lagu xaqiijinayo Amniga oo Bosaaso ka socda

Ciidamada Booliska ee Gobolka bari kuwa PMPFta iyo ciidamada PSFta ee sida gaar ka ah utaba baran ayaa maalmahan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga ka waday xaafadaha magaalada Bosaaso .

Howlgalkan oo ahaa mid aad loo soo qorsheeyay  ayaa waxa uu ka dhacay xaafadaha kala ah :

Saantoos , Raf -iyo Raaxo,  Biyo Kululie  iyo Afar irdoodka .

 

Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska ee gobolka bari oo lahadlay Warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegay in ciidamada ay soo qabteed dad looga shaki san yahay in ay xiriir la leeyihiin kooxaha Argagixisada ee Al-shabaab iyo Daacish oo maalmahan falal amniga lidi ku ah ka gaysanayay magaalada Bosaaso .

 

 

Puntland ayaa isku diyaarinaysa 8-1-218 doorshada Madaxweynaha cusub iyo kuxigeenkiisa , waxaana aad loo adkeeyay amaanka magaalooyinka  Garoowe , Gaalkacyo iyo Bosaaso .

Puntlandi.com Bosaaso.

<