(Dhegayso) Hardanka udhaxeeya Daacish iyo Al-shabaab iyo walaaca dowlada Soomaaliya

Kooxda Argagixisada ee Somaaliya   Al-shabaab ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah kooxda Daacish ee Soomaaliya ,kadib markii Daacshi ay sheegtay in 14 kamid ah dagaalyahanada Al-shabaab ay ku dileen  deegaanka Shimbiro ee gobolka Bari.

Hadaba maxaa sabab u ah iclaaminta dagaalka Al-shabaab ee ka dhanka ah Daacish?

Qodobka 1-aad “in kooxda Daacish, gaar ahaanna garabka ka hawlgala Soomaaliya uu ka shaqeynayo sidii tafaraaruq looga dhex abuuri lahaa gudaha Al-Shabaab.” sida lagu sheegay qoraalka Al Shabaab.

Qodobka Labaad ayaa ah in daacish ku eedeeyeen “iney banneysatay dhiigga Muslimiinta, gaaleysiisayna dad muslimiin ah, gaar ahaanna kooxdiisa iyo kala jebinta muslimiinta.”

Dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo  ayaa hadda ku baraarugtay halista kooxda Daacish, waxaana  kulankii golaha wasiirada  ee shalay  ay ka doodeen dhibaatada ka imaan karta iyo sida haboon ee looga hortagi karo .

Halkan ka dhegayso .

<