(SAWIRRO+VIDEO) Musharax Jabiye oo Toban kun oo dollar ugu deeqay dhismaha garoonka kubada cagta Mire Awaare

Garowe (Puntlandi) Musharax Eng, Mohamud Kkhaliif Hassan Jabiye ayaa garoonka kubadda cagta Garoowe ee Mire Awaare ugu deeqay $10,000 (Toban kun oo doollar) isla markaana uu ku bixiyey isla goobta uu ka ballan qaadey.

Maamulka degmada Garowe iyo bahda isboortiga gobolka Nugaal, ayaa mudane Jabiye uga mahadceliyey musharax Jebiye kaalinta uu ka qaatay ka qeyb qaadashada dhismaha garoonka iyo guud ahaan horumarinta arrimaha bulshada iyo nabadaynta oo uu dhaqaale badan ku bixiyay.

Guddiga dhismaha Garoonka ayaa kala wareegay oo musharaxa uga mahadceliyay deeqdan uu Mire-awaare ugu hiiliyay, waxaana lacago dhimman haddii la helo guddigu ay sheegeen inay dhismaha Garoonka bilaabayaan.

Musharax Jabiye ayaa balanqaaday haddii uu ku guulaysto xilka madaxtinimada uu ahmiyad gaar ah siindoono horumarinta dhalinyarada iyo isboortiga Puntland.

Halkaan ka daawo muuqaalka warkaan.

Wararka doorashooyinka Puntlandi.com.

Puntlandi.com

 

 

<