Isimada Puntland,” Ma yeelidoono in cid gaar ah leexsato dariiqa saxda ah ee doorashada.

Isimada ayaa shir guuf ka yeelanaya walaaca laga qabo habka xukuumada madaxweyne Gaas umaamulayso arrimaha doorashooyinka, taasoo ay keentay in murashixiintu dacwad ugudbiyaan golaha Isimada dhaqanka oo ah marjaca Puntland.

Afhayeenka Isimada Puntland, Garaad, cabdulaahi Cali Ciid oo wareysi siiyay warsidaha Puntlandi, ayaa sheegay in Isimadu dhegaysteen oo ay tixgaliyeen walaaca doorashada laga qabo.

Afhayeenka wuxuu sheegay in dariiqa tooska ah la marindoono habka doorashada u socota lana yeelidoonin in cid gaar ah qaloociso masiirka ummadda.

Murashixiinta Puntland ayaa madaxweyne ku eedeeyay inuu faro galin qaawan ku hayo habka loosoo xulayo xubnaha barlamaanka, iyagoo sheegay inuu beelaha ku cadaadiyay in loosoo xulayo shakhsiyaad xukuumadiisa katirsan.

Wararka doorashoouinka

Puntlandi.com

<