(Dhegayso) Gudoomiyaha gobolka bari oo ka hadlay Afduub la sheegay in Bosaaso uu ka dhacay

Maamulka gobolka bari ayaa maanta magaalada Bosaaso waxa ay ku soo bandhigeen gabar lasheegay in gudaha magaalada lagu afduubtay , taas oo maalmahan baraha Bulshada aad loogu buun buuniyay .

 

Warkan ayaa ahaa mid been abuur ah ,waxaana lagu sheegay in magaalada Bosaaso ay ku sugan yihiin kooxo dadka afduubta  dabadeedna kelyaha  kalabaxa .

 

Gudoomiyaha gobolka bari Yuusu Maxamed Wacays Dhado ayaa maanta Bosaaso ku soo ban dhigay gabadhan la sheegay in la afduubtay , wuxuuna sheegay in ay ahayd gabar madaxa looga jiray .

Aabaha dhalay gabadhan  ayaa sheegay in arintaasi ay ahayd mid been ah oo dadka lagu cabsigalinayo  amnigana wax loogu dhimayo .

Waxa uu maamulka ugu baaqay in dadkii warkan ku faafiyay Facebook sharciga la soo taago.

 

Halkan ka dhegayso , warbixinta .

Sawiro.

<