Ciidanka badda Puntland oo ka fuliyay howlgal lagu qaarijiyay xubno katirsan argigixisada Shabaab.

Saaka subaxnimadii hore ciiddanka badda Puntland qaybtooda la dagaalanka argagixisada ee ku sugan aaga Balikhadar ayaa hawl gallo lagu dabar goynayo laguna ugaarsanayo maleyshiyada naf la caarigaa ee Alshabab Alshayaadiin ee ku dhuumalaysta buuraleyda cal madow ka fuliyey aagaasi.

Hawlgalkaas waxaa lagaga diley argagixisada 2 maleyshiyadooda ka tirsanaa waxaana laga soo qabtay hal maxbuus kaas oo ay gacanta ku hayaan ciiddanku.

Isla hawlgalkaas waxaa laga qabtay qalab miinada dhulka lagu aaso taas oo ay rabeen in ay ku aasaan wadada halbowlahaa ee ummadu isticmaasho ee isku xirta laamiga iyo magaalada Galgala.

Puntlandi.com

<