(TOOS) Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo iska casilay xilkiisii iskuna sharaxay madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Wasiirkii arrimaha gudaha dowladda Puntland, Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade) ayaa ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay doorashada xilka madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ee 2019/2023.

Wasiirka arrimaha ayaan kahor intaanu is sharixin iska casilay xilkii wasiirkii arrimaha gudaha sida uu faray dasturka dowladda Puntland.

Musharax oo qudbad kooban ka jeediyay xaflad haatan ka socota Garowe, ayuu kusoo bandhigay qorshaha siyaasadeed haddii loo doorto xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Arrimaha uu ka hadlay waxaa kamid ah,

Midnimada iyo wadajirka.
Difaaca jiritaanka Puntland.
ku shaqeynta dastuurka Puntland.
soo celinta dhulka maqan.
Dhaqaalaha iyo xiriirka dowladda federalka.
kor uqaadida arrimaha diinta iyo dhaqanka suuban
Arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo kordhinta wax soo saarka gudaha.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO LIVE.

TOOS Garoowe

TOOS Garoowe-Xafladda shaacinta musharax Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng.Cabdulaahi Cali Xirsi Timacade

Slået op af Kasmaal Media i Onsdag den 19. december 2018

Puntlandi.com

<