Musharixiinta Hogaanka Puntland oo Mushaeax Gaas ugu baaqay inuusan Hantida Dowlada u adeegsan ololihiisa Doorashada

Musharixiinta tartamamaya Hogaanka Puntland ayaa ugu baaqay Madaxweyne Gaas in Musharixiinta uu ula sinaado adeegsiga Warbaahinta Qaranka isla markaasna uu ka fogaado inuu Hantida Dalka uu u adeegaado olomihiisa Doorashada.

Mid kamid ah Musharixiinta ayaa yiri ” waa sharci daro aan xalaal ahayn in hantida Dowlada loo adeegsado ololaha Doorashada, Waan ka digaynaa taas, Cidwalboo ay qusayso waxaan faraynaa in indhaha lagu hayo Musharixiinta iney sharciga u hogaansan yihiin iyo in kale, Hantida Lawada leeyahayna lawada ilaaliyo.”

Madaxweyne Gaas ayaa shalay oo talaado ahayd wuxuu ku dhawaaqay inuu ar kale u tartamayo kursiga uu hada ku fadhiyo.

Puntlandi.com
Garowe

<