(SAWIRRO) Qurba joogta Puntland ee gobolka Mudug oo soo bandhigay dhul ay maalgashi ku sameysanayaan.

Gaalkacyo (Puntlandi) Qurba joogtada reer Puntland ee kasoo jeeda gobolka Mudug ayaa magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay dhul deegaamayn ah oo loogu talo galay in mustaqbalka dhow laga hirgaliyo mashaariic maalgashiyeed oo gacan ka geysanaya horumarka gobolka.

Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay dhul deegaamayntaan, ayaa ah dib usoo celinta dadkii waddanka ka haajiray, maalkoodii iyo muruqoodii si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska dhulkooda hooyo. Maxamuud Muuse Cali Maad oo kamid ah qurbo joogta mashruucaan keenay, ayaa sheegay mashruucaan in laga hirgalindoono labo magaalo oo katirsan gobolka Mudug oo kala ah, Gaalkacyo iyo Garacad.

Ganacsade Maad ayaa tilmaamay 4 sano gudaheed in dhulkaan uu ahaandoono labo xaafadood oo yeelandoona dhamaan adeeg kasta oo qof binu aadam ahi u baahan yahay, waxaana uu qurbo joogta ugu baaqay in ka faa’idaystaan dhulkaan kuna sameystaan maalgashi dadka iyo dalku ubaahan yahay.

Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo ayaa qurba joogta gobolka Mudug uga mahad celiyay dadaalada ay ugu jiraan sidii ay dhulkooda ugusoo celin lahaayeen xoogii iyo dhaqaalihii ka galay qurbaha, haatana ay tahay waqti munaasib ah oo loo baahan yahay in dadka gobolka kasoo jeeda lagu dhiiri galiyo inay dalkooda kusoo laabtaan oo ay maalgashi ku sameystaan.

DAAWO SAWIRRADA IYO MUUQAALKA.

 

Puntlandi.com

<