(Dhegayso ) Madaxweynaha Puntland oo Garoowe kaga dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne Puntland 2019

Madaxweynaha dowladda Puntland C/wali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland waxa uu kaga dhawaaqay in uu yahay markale musharax Madaxweyne   2019 .

Munaasibadii uu maanta kaga dhawaaqay musharax nimadiisa ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada ,Isimada Dhaqanka ee Puntland , Siyaasiyiin Aqoonyahano  , Dhalinyaro Culimaa,udiin xubno katirsan labada gole ee dowladda Puntland .

Madaxweynaha dowladda Puntland  C/wali Cali Gaas ayaa goobta ku so bandhigay qorshihiisa siyaasadeed ee uu ku hogaamin doono Puntland hadii loo doorto shanta sano ee soo socota uu ku guulaysto .

Waxa uu madaxweynaha uu ka hadlay wax yaabihii u qabsoomay xukuumadiisa mudadii shanta sano ahayd ee uu xilka hayay .

waxa uu sheegay in uu diirada saari doono shanta sano ee soo socota arimo ay kamid yihiin :

1- Dhamaystirka  dhamaan howlihii uu balan qaaday  .

2-Dib uhabaynta ciidamada Puntland .

3-Dib u so celinta gobolada ka maqan gacanta Puntland siiba gobolka Sool .

4- Dib uhabaynta dowladd nimada .

Madaxweynaha ayaa waxa auu ka hadlay faragalita siyaadadeed oo ay dowladda fadaraalka Soomaaliya ku hayso maamulka Konfur Galbeed ee Soomaaliya ,isagoo sheegay in dhibaatadii ka dhacday Baydhabo mas,uliyadeed ay qaadanayso dowladda Soomaaliya .

Madaxweyne C/wali Gaas ayaa xilka Madaxweynaha Puntland waxa uu qabtay 8 bishii Koowaad ee Sanadkii 2014,isagoo hayay Mudo 5 sano ah.

Halkan ka dhegayso.

Sawirro.

<