
Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland waxaa markii ugu horaysay laga furay xafiis isku xiri doona dadka ka soojeeda maamulka Konfur Galbeed ee Soomaaliya iyo shacabka Puntland .
Ujeedka xafiiskan ayaa ah sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen amniga .
Munaasibadii lagu daah furaayay xafiiskan ayaa waxaa ka qayb galay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland, Saraakiisha laamaha amniga ee gobolka Nugaal ,iyo jaaliyada maamulka Konfur Galbeed ee Soomaaliya .
Dadkii ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee ka hadlay munaasibada ayaa sheegay in deegaanadii ay ka yimaaden ay uga soo carareen amnidaro darteen , sidaasi darteedna aysan suurta gal ahayn in kooxaha sharwada yaasha ay qal qal galiyaan amniga Puntland .
Waxa ay balan qaaden in laamaha amniga ay kala shaqayn doonaan .
Dhegayso.