(SAWIRRO) Kulankii Cali Xaaji Warsame ee Himilada musharraxa iyo Hammiga Shacabka.

Garowe (Puntlandi) Musharax Cali xaaji Warsame oo kamid ah musharixiinta ugu miisaanka culus Puntland , ayaa xalay magaalada Garowe ku qabtay kulan uu ugu magacdaray, “Kulankii Himilada musharraxa iyo Hammiga Shacabka.

Waxaa kulankaan kasoo qeyb galay boqolaal shacab ah oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada sida, Aqoon yahanka, Nabadooanada, dhalinyarada, Bahda waxbarashada, Bahda caafimaadka, Bahda saxaafada, ciidamada amaaanka & Saraakiisha, Haweeenka oo ah lafdhabarta bulshada, Ardayda Jaamacaddaha iyo Ganacsatada.

Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa kulankaan kasoo jeediyay qudbad dheer oo uu kaga hadlayay himiladiisa haddii uu ku guulaysto xilka madaxtinimada dowladda Puntland oo ay tahay markii labaad oo uu utartamayo muddo shan sano gudaheed. Waxaa arrimaha uu ka hadlay kamid ah, la dagaallanka musuqmaasuqa ragaadiyey Puntland, Difaaca iyo soo celinta dhulka maqan, qabashada doorasho hal qof hal cod si dadweynuhu usoo doortaan hoggaankooda matili lahaa, cadaalada iyo sinaan.

Musharaxa oo qodobadaan mid mid udul istaagay, ayaa sheegay Puntland in ay u baahan tahay qof aan gadaal u celin oo ay ka go’an tahay inuu ku guulaysto himiladii Puntland loo aas aasay. Waxaa musharuxu tilmaamay inuu aaminsan yahay in taas lagu gaari karo, iyadoo la helo garsoor cadaalad ah, miisaaniyad sax ah oo lagu dhaqmo, xukun baahsan oo aan ahayn mid laga maamulo hal madax iyo isla xisaabtan dhab ah.

Cali Xaaji Warsame wuxuu balanqaaday haddii uu ku guulaysto xukunka inuu fulindoono qodobadaan oo dhan islamarkaana uu ku shaqayndoono rabitaanka dadka Puntland. Waxa uu sheegay cadowga koowaad ee Puntland inuu yahay musuqmaasuqa ragaadiyey Puntland ta maanta jirta mana lahan nidaaam lagula dagaalamo.

Waxaa sidoo kale uu sheegay inaan indhaha laga saabsan karin dhulka maqan 15-kii sano ee u dambeysey, isagoo balanqaaday haddii uu guulaysto xilka inuu xuduudaha Puntland kusoo celindoono sidii lagu aas aasay.

Musharuxu waxaa uu baaq ujeediyay xildhibaanada Puntland ee lagu aaminay masiirka ummadda reer Puntland, waxaana uu xasuusiyay inayan la xisaabtami karin madaxweyne ay laaluush kusoo doorteen, taasoo ah dhibaabooyinka ugu waaweyn ee maanta Puntland u horseeday inay lumiso aaminaadii caalamka.

Qudbada kadib, musharaxa ayaa ka jawaabay su’aalo kala duwan oo ay weydiiyeen shacabkii kasoo qeyb galay kulankaan, kuwaas oo kalsooni buuxda umuujiyay musharaxa kuna ammaanay inuu yahay musharax shacabku u hanweyn yihiinw waxqabadkiisa.

Halkaan ka daawo sawiradda.

Puntlandi.com

 

<