Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa Camey oo ku dhawaaqaya musharaxnimadooda.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa talaadada berri ah ee ku beegan 18 bishan December ku dhawaaqaya in uu mar kale u tartamayo doorashada madaxtinimada Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa dhigandoono xaflad balaaran oo uu kusoo bandhigayo barnaamijkiisa siyaasadeed.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Camey ayaa isagana lagu wadaa inuu isla todobaadkaan ku dhawaaqo musharaxnimadiisa, isagoo boorarkiisa olalaha doorashada ka taagtay magaalada Garowe.

Wararka doorashoyinka.

Puntlandi.com

 

 

<