Maamulka degmada Garowe oo diiwaan galin usameeyay gaadiidka Bajaajta ee ka howlgala Garowe.

Dowladda hoose ee Garowe, ayaa gaadiidka Bajaajta ka hawlgasha caasimada waxay u sameysay diiwaangelin, si loo gaarto bajaajta iyo wadaha oo lagu sawirayo.

Arintan ayuu duqa degmada Garowe, Axmed Siciid Muuse sheegay,  inay laamaha ammaanka ka saacideyso in si deg deg ah lagu soo qabto Bajaajtii fal Amni daro ah lagu gaysto iyadoo aysan saameyn Bajaajleyda kale, wuxuuna sheegay inay arrintaan meel wanaagsan mareyso.

duqu wuxuu beeniyay inay jiraan Bajaajley xayiraad loo gaystay ilaa inta ka dhiman doorashooyinka, waxaana uu xaqiijinayay in diiwaangelinta hadey dhamaato ay bajaaaajleydu shaqadooda u fasaxan yihiin si madax banaan.

Dhowr kiis oo isugu jira, kufsi, dhac iyo afduubasho ayaa lagu geystay gaadiidka bajaajta, iyadoo dhibaatada ugu weyn ay tahay inaanan lakala saari karin kan dhibka geystay iyo midka kale.

Puntlandi.com

<