Breaking News – Kulankii dhexmay Kheyre iyo Mursal oo natiijo la’aan lagu kala tagay

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi heleen ayaa sheegay in kulankii Dhexmaray Raysal wasaare Kheyre iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal uusan waxba ka badalin meeshii horay loo kala joogay.

Warar Dublamaasiyadeed oo ay heleen Howlwadeenada Punthlandi.com ayaa sheegaya in Raysal wasaaruhu uu Gudoomiyaha ka codsadey inuu kusoo laabto Gurigiisii kanasoo guuro Hotelka uu degan yahay laakiin Gudoomiyuhu wuu diiday taas.

Dhamaan qodobadii laga wada hadlay wax natiijo ah lagama gaarin laakiin waxaa lagu balamay in wadahadalka lasii wado uun, sida ay Ilo aad ugu dhow kulankaas noo sheegeen Qolo walbaa meesheedii ayay taagan tahay.

“Sida muuqata kulanka wax natiijo la taaban karo lagama gaarin aan ka ahayn isfan ragwaaweyn oo ni walbaa diidan yahay inuu kasoo dego geedka uu saaran yahay,”
waxaa Sidaas Puntlandi u sheegay Dublamaask sare oo wadahadalka u dhuun daloolay.

Labada Gudiomiye xigeen ee Baarlamaanka ayaa horay shalay waxay ula kulmeen Gudoomiyaha Baarlamaanka, kulamadaasoo u gogol xaarayay kulanka caawa dhex maray Raysal wasaaraha iyo Gudoomiyaha.

Puntlandi.com
Muqdisho

<